Weerar lagu dilay 53 katirsan ciidamada Masar

Image

QAAHIRA, Masar- Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa faah faahin ka bixisay weerar ka dhaca Saxaaraha Galbeed ee dalkaas, kadib markii weerar lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

53 katirsan ciidamadaas ayaa la dilay kadib markii lagu qaaday weerar iyagoo ku jira howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada ee ku sugan Galbeed dalkaas.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegtay in 15 ka tirsan kooxaha argagixisada lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.

Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa kooxahaasi weerar ku qaaday halkaasi oo ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Ciidamada Masar ayaa halkaasi u jiheystay ka dib markii ay heleen warar sheegaya in deegaanadaasi ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda weerarka geystaya, balse intii ay halkaasi kusii socdeen ayaa waxaa dhexda u galay dagaalyahano katirsan kooxda weerarka geysatay, kuwaa oo adeegsanayay bamabooyin iyo baasuukayaal.

Xukuumadda Qaahira ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxo Islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdifataax Al-sis.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.

Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.

Xaaladda Galbeedka waddankaas ayaa iminka degan waxaana aad loo xoojiyay howlgalka ciidamada Masar ee ka dhan ah kooxaha Argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM