Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Image

Doha – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa sheegay in weerarka cirka ee Israel ku qaaday magaalada Doha uu caddeyn u yahay guuldarro baahsan oo ka jirta beesha caalamka, taasoo ku fashilantay inay Israel kula xisaabtanto mas’uuliyadda falalka ay geysanayso.

"Weerarka Doha wuxuu u dhacay sabab  ah in beesha caalamka si joogto ah ugu guuldareysatay inay Israel la xisaabtanto,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu beegsaday madax-bannaanida iyo amniga Qatar.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in weerarkaasi uu halis gelinayo xasiloonida gobolka isla markaana uu yahay jab weyn oo ka dhan ah qiyamka iyo xeerarka caalamiga ah.

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay caasimaddeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dalalka Khaliijka ay bixin doonaan jawaab wadajir ah oo Israel ka dhan ah, loogana hortagayo inay dal kale ay weerarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM