Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal gaari kara Mareykanka

Image

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya ayaa kulan degdeg ah la galay golihiisa amniga kadib markii Pyongyang tijaabisay Gantaal.


PYONGYANG - Woqooyiga Kuuriya ayaa mid kamid ah Gantaalada Ridada dheeer tijaabisay, talabadaan ayaa ah middii ugu horeysay tan iyo bishii September, sidaas waxaa xaqiijiyey Dowladaha Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Mareykanka.

“ Woqooyiga Kuuriya waxay ka tuurtey Gantaal kuwo madaxa looga xiro hubka Nukliyeerka ah, goob Koonfurta kaga beegan xarunta Pyongyang.” sidaas waxaa wakaalada wararka Yonhap u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Koonfurta Kuuriya.

Ma jirto ilaa iminka wax war ah oo Dowlada Kuuriyada Woqooyi kasoo saartey tijaabadaan.

Wasiirka difaaca Japan Itsunori Onedera ayaa sheegey in Gantaalkaan Hawada u galey xawaare gaaraya 4000 KM isagoo ku dul qarxey dhul u dhexeeya labada dal. 

Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale sheegey in Gantaalkaan gaarey halka ugu fog, isagoo xusey in Pyongyang horey u qaadey talaabo ay khatar galin karto meel kasta oo aduunka ka tirsan.

Qiimeyn hordhac ah oo Wasaarada difaaca Mareykanka sameysay ayey ku sheegtey in Gantaalkaan (Inercontinental balllistic missile) madaxyada hubka Nukliyeerka qaadi karo isagoo gaari kara bartamaha cariga Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa talaabadaan ku sheegey mid ay gacanta ku qabanayaan isagoo hoosta ka xariiqey in mowqifka Pyongyang ka taagan yihiin uusan isbadali doonin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM