Xabad joojintii dalka Koonfurta Sudan oo la jebiyey

Image

November 9, 2014 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu jebiyey  xabad joojinta, 24saac kadib heshiis hordhac oo labada dhinac ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hogaamiyaha ergada mucaaradka uga qayb gelaya wada hadalada Taban Deng Gai, ayaa sheegay in ciidamada dowladdu weerar kusoo qaadeen fariisimihii mucaaradka ee gobolka Unity gaar ahaan magaalada Bentiu.

Docda kale af-hayeen u hadalay Dowalda Koonfurta Sudan ayaa beeniyey sheegashada mucaaradka, isagoo xusay in xoogag ka tirsan mucaaradku weerar kusoo qaadeen magaalada Renk ee gobolka Niilka Sare.

Eedaymaha labada dhanac isu jeedinayaan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey shaaciyey in xayiraad dhaqaale iyo socdaalka ah lagu soo rigi doono madaxda dhankii lagu helo inuu heshiiska xabad joojinta buriyey.

Boqollaal qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan labo milyan oo kalena way ku barakaceen dagaalo ka bilowday Koonfurta Sudan December 2013, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar oo isaga lagu soo eedeeyey inuu mas'uul ka ahaa afgembi dhicisoobay. 

Dagaalada ayaa dib usoo cusboonaday dhowr todbaad kahor kadib markii ciidamada dowladda iyo xoogaga mucaaradku ku dagaalameen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Bentiu. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM