Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Image

LUBNAAN - Barakacayaasha Lubnaan ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan koonfurta dalka iyadoo rajada laga qabo in uu dhaqan-galo heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeya Hezbollah iyo Israel.

Dadka rayidka ah ayaa bilaabay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed, si ay markale ugu noolaadaan guryahooda wax yar ka dib xabbad joojinta, oo ay ku dhawaaqeen madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Ciidanka Lubnaan ayaa sidoo kale si degdeg ah ugu dhawaaqay in ay isu diyaarinayaan in ay tagaan koonfurta oo ay Israel ku duushay dhawaan.

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

Milatariga ayaa ugu baaqay dadka in aysan ku laaban tuulooyinka safka hore ee dagaalka ilaa ay ka baxayaan militariga Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, mowjado dad rayid ah ayaa ku sii socday guryahooda maanta.

Sida ku cad xabbad joojinta, ciidanka Lubnaan waa in 60ka maalmood ee soo socda la geeyo koonfurta wabiga Litani, gobolka koonfureed ee dalka oo xuduud la leh Israa'iil. Ciidamada Israa'iil ayaa si tartiib tartiib ah uga bixi doona halka Xisbullah ay sidoo kale ka bixi doonto aagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM