Xamaas oo sheegtay inay oggolaatay hub ka dhigista, Trump-na ku tilmaamay “guul taariikhi ah”
QAHIRA/WASHINGTON – Xamaas ayaa Jimcihii sheegtay inay oggolaatay qorshe hub ka dhigis ah, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in la gaaray waxa uu ku tilmaamay “guul taariikhi ah” oo dhinaca nabadda Bariga Dhexe ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC in heshiiska la soo jeediyay uu dhigayo in hub ka dhigista loo fuliyo si marxalado ah. Inta ay taasi socoto, ciidamada Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah uga bixi doona Marinka Gaza, halka ciidan caalami ah oo xasilinta ah uu la shaqeyn doono booliis cusub oo Falastiiniyiin ah ilaa laga dhisayo dowlad cusub oo maamusha Gaza.
Trump ayaa u mahadceliyay dalalka Masar, Qatar iyo Turkiga, isagoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dhexdhexaadinta heshiiska.
Hase yeeshee, Xamaas waxay sheegtay in hub ka dhigistu ay ku xiran tahay in Israa’iil fuliso dhammaan waajibaadka saaran heshiiska. Kuwaas waxaa ka mid ah ka bixitaanka Gaza, oggolaanshaha in la dhiso guddi qaran oo Falastiiniyiin ah iyo in dib loo bilaabo dib-u-dhiska deegaanka.
Sarkaalka sare ee Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in heshiisku si cad u dhigayo in Israa’iil ay marka hore fuliso ballanqaadyadeeda.
“Haddii Israa’iil aysan fulin heshiiska, annaguna ma fulin doonno,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Jared Kushner, oo uu soddogg u yahay Trump isla markaana door weyn ku lahaa dadaalladii hore ee dib-u-heshiisiinta Bariga Dhexe, ayaa ku tilmaamay heshiiska “tallaabo taariikhi ah,” balse wuxuu xusay in “shaqo badan ay weli harsan tahay.”
Wararkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda gobolka ay weli taagan tahay. Dowladda Iran ayaa uga digtay Mareykanka inuu “bixin doono qiimaha”, kaddib warar sheegay in duqeyn ka dhacday Jasiiradda Qeshm lagu dilay saddex qof oo ay ku jireen lammaane iyo cunug labo jir ah.
Inkasta oo Xamaas ay sheegtay inay oggolaatay mabda’a hub ka dhigista, mustaqbalka heshiiska ayaa weli ku xiran in labada dhinac ay fuliyaan qodobada lagu heshiiyay.
GAROWE ONLINE