Xiisad ka taagan Kenya kadib Guushii Uhuru

Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Kenya ayaa waxa ka taagan xiisad ka dib markii madaxweynaha xilka haya, Uhuru Kenyatta, loogu dhawaaqay in uu yahay ninka ku guulaystay doorashadii lagu murmay ee madaxaxtinimada.

Taageerayaasha Kenyatta ayaa wadooyinka magaalooyinka ku dabbaal degayey, halka meelaha ay ku badanyihiin taageerayaasha musharaxii mucaaradka, Raila Odinga, ay ka dhaceen mudaharaaddo.

Booliska ayaa lagu soo waramayaa in ay sunta dadka ka ilmaysiisa ku rideen dad ku mudaharaadeyey xaafado ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada galbeedka dalka ku taal ee Kisumu.

Kenyatta ayaa shacabka ka codsaday xasilooni waxaanu sheegay in aanay cidna dan u ahayn in lagu noqdo qulqulatooyinkii dhacay doorashooyinkii 2007-dii oo kale.

Qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii 2007-dii waxa ku dhintay in ka badan kun qof waxaana u bara kacay nus malyuun qof oo kale.

Hase yeeshee ilaa haatan ma uu hadal Raila Odinga.

Source: GO + BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM