Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyey dhammaan wadaxaajoodyadii ganacsi ee u dhexeeyey Mareykanka iyo Canada, isagoo sabab uga dhigay canshuur cusub oo Kanada ku soo rogtay shirkadaha teknolojiyadda, oo ay ku jiraan shirkado Mareykan ah.

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga" isagoo intaas ku daray in canshuurta cusub ee shirkadaha tiknoolajiyadda ay tahay "weerar toos ah oo cad oo lagu qaaday dalkiisa."

Madaxweyne Trump ayaa yiri, "Iyada oo lagu saleynayo canshuurtaan foolxumada ah, waxaan halkan ku joojinaynaa dhammaan wadaxaajoodyada ganacsi ee Canada, si degdeg ah oo dhaqso ah." Waxa kale oo uu sheegay, "Waxaan Kanada u soo bandhigi doonaa canshuurta ay bixin doonaan si ay ula ganacsadaan Dowladda Mareykanka toddobaadka soo socda."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM