Xisbiga Liberal ee Mark Carney oo Doorashadii Kanada Guul Ka Gaaray

Image

Warbaahinta CBC iyo CTV ayaa saadaaliyay in Xisbiga Liberal ee Ra’iisul Wasaare Mark Carney uu ku guuleystay doorashadii guud ee Isniintii ka dhacday Kanada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in uu heli doono dowlad aqlabiyad ah ama mid kooban.

Saadaasha guusha ayaa timid wax yar kadib markii la xidhay goobaha codbixinta ee dalka oo dhan, iyadoo doorashadan ay si weyn u saameeyeen culeyska nolosha iyo cashuuraha cusub ee uu Madaxweyne Trump ku soo rogay badeecooyinka Kanada.

Wasiirka Dhaqanka Kanada Steven Guilbeault oo la hadlay CBC ayaa sheegay:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay kalsoonida ay shacabka Kanada nagu siiyeen, waxaanan dareemaynaa sharaf weyn. Waan u shaqeyn doonaa si daacadnimo leh shacabka Kanada.”

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:

“Waxaan codsaneynaa dowlad adag oo mideysan, maadaama aan ognahay in waqtiyo adag nagu soo food leeyihiin, gaar ahaan xiriirka Maraykanka iyo Madaxweyne Trump. Dowlad adag iyo shacabka mideysan waxay fududeyn doonaan sidii aan uga adkaan lahayn caqabadaha.”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM