Xisbiga Liberal ee Mark Carney oo Doorashadii Kanada Guul Ka Gaaray

Image

Warbaahinta CBC iyo CTV ayaa saadaaliyay in Xisbiga Liberal ee Ra’iisul Wasaare Mark Carney uu ku guuleystay doorashadii guud ee Isniintii ka dhacday Kanada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in uu heli doono dowlad aqlabiyad ah ama mid kooban.

Saadaasha guusha ayaa timid wax yar kadib markii la xidhay goobaha codbixinta ee dalka oo dhan, iyadoo doorashadan ay si weyn u saameeyeen culeyska nolosha iyo cashuuraha cusub ee uu Madaxweyne Trump ku soo rogay badeecooyinka Kanada.

Wasiirka Dhaqanka Kanada Steven Guilbeault oo la hadlay CBC ayaa sheegay:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay kalsoonida ay shacabka Kanada nagu siiyeen, waxaanan dareemaynaa sharaf weyn. Waan u shaqeyn doonaa si daacadnimo leh shacabka Kanada.”

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:

“Waxaan codsaneynaa dowlad adag oo mideysan, maadaama aan ognahay in waqtiyo adag nagu soo food leeyihiin, gaar ahaan xiriirka Maraykanka iyo Madaxweyne Trump. Dowlad adag iyo shacabka mideysan waxay fududeyn doonaan sidii aan uga adkaan lahayn caqabadaha.”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM