Xisbiga Xasan Sheekh ee JSP oo Laga Digay In Dalka U Jiheeyo Nidaam Kaligii-Talis ah

Image

MUQDISHO – Xisbiga cusub ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa dhalisay dhaleeceyn ballaaran oo ka timid mucaaradka iyo bulshada qaybo ka mid ah, kuwaas oo ka digaya in xisbigaasi uu yahay mid lagu rabo in doorashooyinka dalka la boobo, ayna ujeedkiisu yahay in uu hal xisbi dalka ka taliyo, sida xisbiyada ku jiray xukunkii Kacaanka ee Soomaaliya.

Xisbiga JSP ayaa xalay loo doortay Guddoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabad lagu furayay xisbiga. Khudbadda madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhex muuqday weerar afka ah oo uu ku qaaday madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, isagoo ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin horumarka dalka.

Laakiin waxa uu ka dhigtay siyaasadda cusub ee xisbiga JSP mid la is weydiinayo, iyadoo mucaaradka iyo saaxafadda gudaha ay ka digayaan in xisbigaasi uu noqon karo mid ujeedooyin gaar ah ka leedahay, kuwaas oo ah in dalka lagu horkeeno xaalad hal xisbi oo kali ah, halka xisbiyada kale ay laga mamnuuci doono. Arintani ayaa waxay xusuusinaysaa nidaamkii xukunka kali-taliska ee Kacaanka, kaasoo ah markii hal xisbi uu ka taliyo dhammaan arrimaha dalka.

Mucaaradka ayaa sheegay in xisbiga JSP uu ku socdo wadiiqo ay doorashooyinka ku noqon karaan kuwo aan xor ahayn, oo la isku dayo in la xakameeyo tartanka siyaasadeed, iyada oo laga hortagayo cadaalad iyo fursad siman oo dhan walba ah. Qaar ka mid ah madaxda mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbiga uu hoggaaminayo in uu isku dayayo in uu xoogga saaro awoodda shaqsiyadeed, taasoo si weyn uga hor imaaneysa dhammaan nidaamka dimuqraadiyadda ee loo baahan yahay in dalka uu gaadho.

Xisbiga JSP ayaa sidoo kale ka jawaabay dhaleeceyntan, iyagoo sheegay inay doonayaan in ay abuuraan nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, balse su'aalaha iyo welwelka ay muujinayaan mucaaradku ayaa muujinaya in isbeddelka siyaasadeed ee uu xisbiga JSP doonayo uu yahay mid ay dad badan ka qabaan cabsi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu tolanayo shaar isaga la eg, maadaama uu dhistay xisbiga JSP, oo gudoomiye u noqday, islamarkaana isaga magacaabey gudiga doorashadda kaasoo ninka gudoomiyaha ka ah soo noqday madixii ololihiisa doorashada 2022, sidoo kalena dastuurkii wax ka bedelay.

Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa hadda ah mid khatar ah, iyadoo doorashooyinka soo socda la filayo in ay suurto-gal tahay kaliya haddii ay jiraan heshiisyo siyaasadeed iyo is afgarad dhanka dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka. Hadaba, xisbiga JSP iyo awoodda uu yeelan karo ayaa noqon doonta arrin la socon doonta si dhaw inta lagu jiro xilliga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM