Xisbullah oo laga dilay sarkaalkii ugu sareeyay ee dhanka warbaahinta

Image
Mohammad Afif ayaa lagu beegsaday xaafad mashquul badan oo ku taalal magaalada Beyruut.

ANKARA, Turkey - Weerar ay Israa’iil ku qaaday dhismo ku yaalla degmo ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla magaalada Beyruut ayaa lagu dilay madaxii xiriirka warbaahinta ee ururka Xisbullah, Mohammad Afif.

Sida ay sheegeen laba ka mid ah ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo u dhashay Lubnaan, Afif ayaa isla goobta ku dhintay inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Xisbullah.

Duqeynta ayaa lagu garaacay xaafadda Ras al-Nabaa halkaas oo dad badan oo ka barakacay magaalada Beyruut ee ku taal koonfurta bari ee duqeymaha Israa’iil ay magangalyo u doonanayeen.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in la duqeeyay dhismo ay ku yaalaan xafiisyada xisbiga Baath, madaxa xisbiga ee Lubnaan Cali Xijaazi ayaa u sheegay warbaahinta Lubnaan ee Al-Jadiid in Afif uu ku sugnaa dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM