XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Image

Doha, Qatar – Inkasta oo wararkii hore ay muujinayeen in weerarkii cirka ee Talaadadii lasoo dhaafay lagu qaaday caasimadda Qatar, Doha, laga fuliyay hawada sare ee Khaliijka (Persian Gulf), ayaa haddana warbixin cusub oo uu daabacay Wall Street Journal sheegaysa in weerarkaasi ay Israa’iil ka fulisay hawada sare ee Badda Cas ee Waqooyi.

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah—kuwaasoo gantaallo ballistic ah oo laga rido cirka ka tuuray meel sare oo hawada Sacuudi Carabiya ah, kuna beegsaday goob ay ku sugnaayeen madaxda Xamaas gudaha magaalada Doha.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka ee la socday hawlgalka, Israa’iil waxay kaliya daqiiqado kahor duqeynta ku wargelisay ciidanka Mareykanka inay wadaan weerar ka dhan ah Xamaas, iyada oo aan si cad u sheegin bartilmaameedka. Si kastaba ha ahaatee, qalabka raadaarka cirka ee ciidamada U.S. Space Force ayaa qabtay kuleylka ka dhashay gantaallada, waxayna xaqiijiyeen in bartilmaameedku yahay magaalada Doha.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa si degdeg ah ugu wargeliyay Jen. Dan Caine, Guddoomiyaha Golaha Talisyada Ciidamada Mareykanka, kaasi oo isna la xiriiray Aqalka Cad. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markaas kadib amar ku bixiyay in wakiilka gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff, uu si degdeg ah ugu wargeliyo dowladda Qatar.

Laakiin sida ay sheegtay dowladda Qatar, digniinta Mareykanka waxay timid qiyaastii toban daqiiqo kadib markii gantaalladu ay horey u garaaceen goobtii kulanka madaxda Xamaas.

Weerarkani wuxuu keenay dhimashada lix ruux oo ay ku jiraan hal sarkaal amni oo Qatari ah iyo xubno sare oo ka tirsanaa Xamaas, taas oo si weyn u kicisay xiisadda gobolka, una fureysa albaab cusub oo ku saabsan doorka Israa’iil ee gobolka iyo xiriirka ay la leedahay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM