Xujey ka socota dalka Qatar oo soo gaartey Wadanka Sucuudiga

Image

JEDDAH- 100-kii qof ee ugu horeysay Xujey ka socota dalka Qatar ayaa ka soo gudbey Salwe ee ku taal xadka u Wadankaan la leeyahay dalka Sucuudiga waxaana halkaas ku soo dhoweeyey saraakiil.

Xujeydaan ayaa Wadanka Sucuudiga ku soo galay iyagoo aan wadan waraaqaha dal ku galka waxayna marti u yihiin King Salman iyadoo la bixinayo dhamaan kharash ku baxaya.

Boqorka dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in dadka Xujeyda ah ee ka socda dalka Qatar lagaga soo qaado garoomada Dammam iyo Al-Ahsa diyaarado ( Saudi Arlines) laguna geeyo magaalooyinka barakeysan Madina iyo Jeddah.

Col. Hassan Al-Dossari oo ah madaxa waaxda socdaalka Salwe ayaa Arab news u sheeegey in ay sharaf u tahay iney u adeegaan Martida Ilaahey (Xujeyda) isagoo xusey iney ku faraxsan yihiin go'aanka boqorka dalka Sucuudiga ku fasaxay walaalaha Qatar.

Dalka Sucuudiga iyo wadamada kale ee khaliijka xulifada yihiin ayaa xiriirka u jarey Wadanka Qatar halka dhinaca kale cunaqabateyn ku soo rogeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM