Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh
RIYADH - Duulimaadyo dhowr ah oo ku wajahnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, caasimadda Sacuudiga, ayaa la sheegay inay leexdeen sababo aan weli la shaacin. Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli garoonka ay ka dhaceen weerarro gantaallo ah oo ay Xuutiyiintu sheegteen.
Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarro ay Xuutiyiintu Talaadadii iyo Arbacadii ku qaadeen garoomada diyaaradaha King Khalid ee Riyadh iyo Abha ay ku dhinteen saddex qof, halka 36 kalena ay ku dhaawacmeen.
Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyadda labada weerar, iyagoo sidoo kale digniin cusub u diray shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, kana digay inay maraan hawada Sacuudiga, marka laga reebo hawada ku hareeraysan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.
Dhanka kale, ciidamada Sacuudiga ayaa sheegay inay burburiyeen goobta laga soo tuuray gantaalkii loo adeegsaday weerarkii lagu beegsaday Riyadh.
Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa iyaduna soo saartay digniin dhinaca amniga ah, iyadoo ka digtay suurtagalnimada weerarro kale oo loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.
Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan, mana cadda in tallaabadaasi si toos ah ula xiriirto digniinaha amni ee la soo saaray.
GAROWE ONLINE