Yaa leh Baasa-boorka ugu awoodda badan Caalamka?

Image

Qiimeyn la sameeyay 2017, ayaa lagu ogaaday in dalka Germany uu wali yahay dalka leh Baasaboorka ugu awoodda badan caalamka, iyadoo dalka Ingiriiska uu Liiska kaalimaha hoose ka galay qiimeynta.

Muwaadiniinta heysta Baasaboorka dalka Germany ayaa loo ogol yahay inay Fiiso (VISA), la'aan ku galaan 176 wadan oo ku yaalla caalamka, marka laga reebo dalalka Japan, Canada iyo Mareykanka.

Dadka ku nool Germany ee aan asal ahaan u dhalan waxay ku qaadanaysaa mudo 10 sano ah inay helaan Baasaboorka waddankaas, iyagoo la marsiiyo xeerar aad u adag, oo ay kamid tahay Imtixaan Luuqadda ah.

Dalka UK oo horey ugu mid ahaa kuwa ugu Baasaboorka awooda badan dunida, ayaa hadda galay kaalinta 4-aad, waxaana uu lamid noqday wadanka Singapore, waxaana ay ka koreysaa Italy iyo Spain.

Muwaadiniintooda Ingiriiska ayaa Fiiso la'aan gali kara 173 Waddan, iyadoo kuwa Germany ay aadi karaan hadda 176 dal, oo 20 kamid ah ku yaallaan Galbeedka Qaaradda Yurub.

2013 ilaa 2015, UK ayaa lamid ahayd Germany, oo ay kuwada jireen kaalinta kowaad, balse waxay hoos uga dhacday sannadkii lasoo dhaafay ee 2016, markii ay ka baxday Midowga Yurub.

Dalalka Muslim-ka ah ee colaadda ka taagan tahay, sida Somalia, Libya, Yemen Afghanistan, Syria iyo Iran oo dhawaan uu xayiraada dhinaca safarka kusoo rogay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa noqday kuwa ugu Baasaboorka hooseeyo caalamka.

Baasaboorka Afghanistan ayaa waxaa lagu aadi karaa Visa la'aan 24 dal, oo u badan kuwa Asia.

Somalia heerka ugu hooseeya ayay ka gashay qiimeynta.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM