Yahuuda oo in ka badan 40 qof ku dishay duqeyn lala eegtay xero barokac

Image
Dhamaan dadka ku geeriyoodey weerarkan ayaa ahaa dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur.

DOOXA, Qadar - Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku warameysa in "tiro badan" oo dad ah ay ku hoos jiraan burburka kadib weerar cirka ah oo Israel ay ku dishay ugu yaraan 40 qof xerada qaxootiga ee Jabalia.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeeyey teendho ku taal al-Mawasi oo ku taal Khan Younis, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan laba caruur ah, sida ay sheegtay Aljazeera Carabi.

Qasa Soup Kitchen, oo ah koox samafal ah, ayaa ku dhawaaqday geerida kuuggeeda Mahmoud Almadhoun, kaasoo ay ku sheegtay "in la bar tilmaameedsaday laguna dilay" weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ka geysteen waqooyiga Gaza.

Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), ayaa dhanka kale ku baaqday "amniga la wanaajiyey" ee hawlgallada gargaarka Gaza ka dib markii laba gabdhood iyo qof dumar ah ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday bannaanka warshad roodhida oo ku taal bartamaha Deir el-Balah Jimcihii.

Dalka Lubnaan, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay koonfurta Beyruut si ay u xusaan hoggaamiyihii la dilay ee Xisbullah Xasan Nasrallah, in ka badan laba bilood kaddib markii lagu dilay weerar ay Israa'iil ku qaadday.

Israa'iil, milatarigu waxay ku dhawaaqeen inay qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin waddanka. Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu ahaa gantaal ballistic ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM