Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Image
Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 80 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallada ay ciidamada Soomaaliya sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida uu Talaadadii sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Dayax Cabdi Cabdulle.

Howlgalladan ayuu carabka ku dhuftay in ciidamadu ka sameeyeen deegaannada Caad iyo Baraag Sheekh Ismaaciil oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

"Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Taliyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada ka socda gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug iyo sidoo kale deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Soomaaliya ayaa sanado badan waxaa hareeyay amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee Daacish/ISIS.

Tan iyo sanadkii 2007, kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa ay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

ATMIS waa hawl-gal dhinacyo badan leh oo uu fasaxay ururka Midowga Afrika, isla markaana uu u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay soo celiyaan ammaanka Soomaaliya wallow waqtigooda uu dhamaanayo sanadka dambe 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM