FAALO: Muqaal Sawir Ma Aha Midnimo Soomaaliyeed

Image

FAALO- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowdey kulan ay isugu yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele, gobolka Banaadir, iyo maamulka cusub ee dhowaan la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo. Haddaba, su’aashu waxay tahay: waa maxay ujeedka kulanka, maxaa ka maqan, maxaase laga filan karaa?

Inta aan su’aalahaas laga jawaabin, waxaa isha lagu hayaa laba maamul goboleed oo kulankaan ka maqan: Puntland iyo Jubaland. Puntland waxay si cad u sheegtay in Madasha Wadatashiga Qaran (NCC) aysan sharciyad haysan, isla markaana kulankaan uu ka maran yahay ajendayaal muhiim u ah mustaqbalka dalka sida ka hadalka faragelinta dastuurka lagu sameeyey. Jubaland-na, waxay meesha ka baxday kadib markii Villa Somalia ay isku dayday inay madaxweynaha maamulkaas u fidiso muddo kororsi sharci darro ah.

Hadaba muxuu yahay kulankaan? Ma yahay isku-day lagu mideynayo dalka, mise waa shir siyaasadeed oo la doonayo in lagu matalo dano gaar ah oo Villa Somalia leedahay?

Xilliga la qabanayo kulanka laftiisa ayaa durba abuurey su’aalo badan. Waxaa la qabanayaa iyadoo dagaalo culus ay ka socdaan Shabeellaha Dhexe, Al Shabaab-na ay qabsadeen deegaano cusub. Isla waqtigaas, gudaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ka aloosan buuq siyaasadeed, iyadoo la isku haysto awoodda hogaanka aqalka Baarlamaanka – kadib markii uu si muuqata ugu milmay Villa Somalia.

Sida aan aragno, kulankaan ma ahan kii ay beesha caalamka rajeyneysay. Beesha caalamka oo ah tiirka kaliya oo dowlada Federaalka ku taagan tahay waxay ku talineysay in la qabto shir wadareed ay ka soo qeybgalaan dhammaan maamul-goboleedyada, mucaaradka, iyo qeybo kale oo muhiim ah si loo wajaho khatarta Al Shabaab, lana xoojiyo midnimada qaranka. Laakiin waxa hadda ka socda Muqdisho wuxuu u eg yahay dadaal ay Villa Somalia ku dooneyso inay ku qanciso beesha caalamka in dhanka kalena muujineyso in qaybo kale ee Soomaaliya ah lagu go'doominayo — iyadoo dhabtu tahay in labo maamul oo muhiim u ah midnimada Soomaaliya ka maqan yihiin goobta.

Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa kulanka kusoo biiray, iyadoo Villa Somalia sheegtey iney tixgalinayo rabitaanka shacabka deegaankaas, balse su’aasha la isweydiin karo ayaa ah: dowladda Federaalka ma ka rabtaa xal waara midnimada Soomaaliya, mise waxay doonaysaa in maamulka Khaatumo uu noqdo weji kale oo lagu cadaadiyo Puntland? – haddii Villa Somalia u aragto Khaatumo inay noqoto kaar cusub oo labada shacab ee walaalaha ah ( Puntland iyo SSC) lagu kala fogeynayo, waxay taasi noqoneysa talaabadii ugu dambeysay oo ay  (Villa Somalia) ku burburineyso wadajirkii Soomaaliyeed.

Intaa waxaa dheer, madaxda sadexda maamul ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeele ayaa kulanka ku jooga kororsiimo sharci darro ah oo ay Villa Somalia u sameysay, taasoo meesha ka saareysa dhexdhexaadnimadii iyo matalaaddii rasmiga ahayd ee maamul-goboleedyada. Halkee laga filayaa xal siyaasadeed haddii miiska ay joogaan wakiillo aan sharciyad haysan?

Ugu dambeyn, waxa la saadaalinayaa inta kulankaan socdo Muqdishu lagaga dhawaaqi doono xisbi cusub oo ay Villa Somalia hoggaaminayso, kaas oo la rabo in lagu beddelo doodaha qaran ee dastuurka. Laakiin waxaa muuqata in arrintani aysan ahayn mid horseedi doonta Midnimo Soomaaliyeed, balse ay sii kala fogeyneyso dhinacyada dalka.

Midnimo la’aan, jiritaanka qaranka Soomaaliya khatar ayuu ku jiraa — Soomaaliya-na waa ka daashay jilis siyaasadeed.


Qoraalkan waa faallo tifaftiran oo ka tirsan Garowe Online Editorial Board. Waxay ka tarjumeysaa aragtida golaha tifaftirka, ee ma aha mid uu qoray wariye gaar ah.

Related Articles

Dib-u-magacaabida Odowaa: Beegsiga mucaaradka mise shirqool khaarijin?

Dadka ayaa ku kala qeybsamay sababta haatan loosoo celiyay iyadda oo ay jiraan xiisado siyaasadeed.

  • Faaladda Warka

    11-11-2024

  • 03:44AM

Soomaaliya: Caro ka dhalatay agaasime u gafay shacabka Koonfur Galbeed

Ninkan ayaa xilka agaasimaha ku helay aflagaaddo joogto ah uu ka geysan jiray fagaarayaasha Muqdisho.

  • Faaladda Warka

    17-09-2024

  • 02:19PM