Raasumaalka siyaasadda Camar Cabdirishiid iyo rar xumadda haysata

Image

FAALO| Marka aad eegtid xaanshida sooyaalkiisa siyaasadeed (CV) waxa ugu horeeya ee ay indhahaagu qabanayaan waa taariikhda quruxda badan ee ah in uu dalka labo jeer kasoo noqday Ra’isulwasaare, yahayna shaqsiga keliya ee haysta horsanaantaasi.

Hase yeeshee sidaasi uma qurux badna taariikhdiisa siyaasadda ee rasmiga ah, waxaana ka buuxa daldaloolooyin kugu dhalinaya su’aalo aad uga tiro badan inta jawaabaha loo heli karo.

Dad badan waxa ay ku tilmaamaan siyaasi marar badan uu nasiibka saacido oo aanse lahayn rakaab iyo xamuul wax ku ool ah oo uu masraxa siyaasadda wax uga gooyo.

Il-Duufka Siyaasadda

Inkasta oo uu marar badan ay astureen duruufaha iyo isaga oo inta badan ka gabbada marka ay taaganyihiin duufaanada waaweyn ee siyaasadda, haddane markasta sidaasi uma nasiib badna oo waxaa dhacda in fashilkiisa uu banaanka yimaado.

Tusaale bilo ka hor markii ay taagnayd xiisaddii Boosaaso, waxa ay dad badan aad ula yaabeen sidii uu uga muluq-siibtay xaaladda, isaga oo kasoo tagay magaaladii oo uu dagaal ka socdo, caddeyna kari waayay moowqifkiisa.

Siyaasiyiintii kula jiray arrinka waanwaanta ayaa ku eedeeyay Cumar Cabdirishiid in uu docwareemay dedaalkoodii nabad doonimada, lana saftay mid ka mid ah dhinacyadii isku hayay siyaasadda.

Ugu dambeyn waxa ay noqotay isaga oo keligiis gaar u taagan iyo siyaasiyiintii reer Puntland ee kale oo isku dhinac ah.

Iyada oo uu raadkaasi qoyanyahay, ayuu Cumar Cabdirishiid wax ka abaabuley shir u muuqday in looga hordhacayo waxyaabo aanan hadda la gaarin oo ku saabsan hoggaanka Puntland , iyada oo ay jirto in Puntland ay leedahay goleyaal ay kaga tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed.

Balse il-duufkii ugu weynaa waxa uu Cumar malaha ku dhacay waxa ay ahayd markii uu ka haray siyaasiyiintii tirada badnaa ee Soomaali oo dhan ka koobnaa ee ka qeybgalay caleemo-saarkii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Metelaadda

Marka laga hadlayo dhanka metelaadda, Cumar waxa uu Puntland ku metelayay Aqalka Sare muddo shan sano ah, oo ahayd shanti sano ee culeesyadii ugu badnaa ay Puntland kasoo foodsaareen dhanka federaalka iyo nidaamka uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nasiib darro Cumar lama arag meel uu qaddiyadda iyo danaha Puntland ku difaacay ama aragti muuqata oo uu ka qaatay waxyaabihii sida isdaba joogga ah u dhacayay.

Intaas oo keliyana ma ahane, golihii uu ka tirsanaa halmar ma uusan xaadirin, iyada oo markii wax laga weeydiyay uu marmarsiimo ka dhigtay in shaqadii golaha ay curyaamisay dowladda hadda joogta.

Haatan oo lasoo gaaray doorashadii kale, Cumar waxa uu sheegay in uu yahay musharax madaxweyne, ujeedka kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu loolanka ku ciriiriyo musharixiinta ugu cadcad ee Puntland kasoo jeedda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

FAALLO: Xaalad Abuurka Puntland & Doorashada Somaliland

Doorashada Puntland oo ay ka dhiman tahay muddo hal-sano ah ayaa shacabka Puntland waxaa looga fadhiyaa...

  • Faaladda Warka

    13-11-2017

  • 04:16PM