Imaaraatka oo albaabada isugu dhuftay wargeys ka hadlay sicir bararka

Image

DUBAI- Wargays kasoo baxa dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta ayaa albaabada la isugu dhuftay kadib markii uu daabacay sheeko la xiriirta bulshada oo ka cabatay qiimaha shidaalka oo sare u kacay iyo sicir bararka.

Wargeyska Al Ru’ya , oo haystay damaanad buuxda oo uu ku shaqayn karo illaa xad , islamarkaasna aanan wax cabsi ah ka qabin in wax yeelo soo gaarto ayaa hadda gebi ahaanba la xiray.

Sida ay Wakaaladda wararka ee AP u sheegeen dad xog ogaal ah, waxaa suaalo la weeydiiyay shaqaale ka tirsan wargeyska, iyada oo xaruntiisa ay u dhaceen booliiska, markii dambane laga gaaray goaan ah in la xiro.

Shirkadda leh wargeyskan ayaase sheegtay in sababta loo xirey wargeyska ay tahay in loo badeley kanaal wax laga daawado.

Xoriyadda saxaafadda ee Imaaraatka ayaa muddo dheerba laga dayrinayay, iyada oo saxafiyiinta ay naftoooda kusoo rogeen faaf-reeb, dowladdana aysanba ogoleyn in waxyar laga sheego nidaamka, xitaa waxyaabaha iska caadiga ah.

Shirkadda IMI ee maalgashiga saxaafadda oo lahayd wargeyskan la xirey ayaa waxaa mulkiile ka ah Sheekh Mansuur Bin Zayid zal Nahyan oo ah maalqabeen walaal la ah madaxweynaha dalkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale ah mulkiilaha kooxda Manchester ee dalka Ingiriiska.

Waxaa shaqadii waayay illaa 35 qof oo ka hawlgalayay wargeyskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM