​112 qof ajnabi ku jiro oo lagu dilay dagaalka Dhinowda, Mudug

Image

GAROWE- Xukuumadda Puntland ayaa maanta ka hadashay dagaal kasocda deegaanka Dhinowda oo qiyaastii 20KM dhinaca Koonfureed ka xiga tuulada Garacad ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo howlgalkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dagaalku socdo islamarkaana la isweydaarsanayo xabado goos goos ah, wuxuuna intaasi raaciyay in mallayshiyaadkaasi hubaysan laga dilay 112 halka gacanta lagu dhigay 63 ruux.

Soocade, ayaa xusay in khasaaruhu sii badan karo maadama dagaalku weli socdo.

Dadka dhintay waxaa dowladda Puntland sheegtay inuu ku jiro nin ajnabi ah, kaasi oo xukuumaddu cadaysay inay baaritaan ku samayn doonto si loo ogaado halka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Dhinaca kale waxaa dowladdu ka hadashay dagaalka Suuj iyagoo xaqiijiyay tirsada dhimashada iyo maxaabiista la qabtay, waxayna tilmaameen in lagu dilay 55 mallayshiyo islamarkaana lagu qabtay 43.

Wuxuu tilmaamay in la tuhunsanyahay koox yar oo qiyaastii 10 qof ka badnayn oo dhaawac ah inay ku dhuumaalaysanayaan deegaanka Suuj, wuxuuna xusay inaysan lahayn samayn weyn, isagoo ugu baaqay inay isa soo dhiibaan.

Dowladda, ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqday inay u istaagaan qaabkii loola dagaallami lahaa mallayshidaasi aan u naxariisanayn qofna.

Isku darka mallayshiyaadka la dilay iyo kuwa la qabtay ayaa xukuumaddu cadaysay inay yihiin 271 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM