Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Image

GAROWE, Soomaaliya — Burcad-badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markabka xamuulka MV Sward iyo 17-ka shaqaale ee saarnaa, kadib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah oo ku sugan Puntland. 

Markabka ayaa lagu sii daayay meel u dhow dekedda Garacad, kadib markii burcaddu ay muddo bilo ah gacanta ku haysay. Markabka ayaa la afduubtay 26-kii April isagoo marayay xeebaha Soomaaliya.

17-ka shaqaale ee markabka saarnaa ayaa isugu jiray 15 muwaadin oo Suuriyaan ah iyo laba Hindi ah. Ilo amni ayaa sheegay in shaqaaluhu ay weli markabka saarnaayeen markii la sii daayay.

Burcaddu waxay markabka MV Sward u adeegsanayeen sidii markab ay uga howlgalaan, iyagoo ka dib afduubkiisa u adeegsaday qabashada maraakiib kale oo ku safrayay biyaha gobolka.

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon, kaas oo sidday qalab militari oo loo waday Turkiga.

Ilo amni oo Puntland ah ayaa sheegay in burcaddu ay lacag ka heleen sii deynta markabka, balse aan la shaacin inta ay le'eg tahay madax-furashada la bixiyay. Ilo kale ayaa sheegay in gaadiid dhowr ah ay xeebta ku sugayeen burcaddu markii ay markabka ka dageen.

Sii deynta MV Sward ayaa ku soo beegantay xilli weerarrada burcad-badeedda Soomaaliya ay mar kale ku soo badanayaan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 15 weerar oo gobolka ka dhacay sanadkan, taas oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2013-kii. 

Sida laga soo xigtay ilo amni, afar markab oo ganacsi ayaa weli gacanta burcad-badeedda ku jira, kuwaas oo kala ah Honour 25, Eureka, Asana iyo Seamull. Soo noqoshada afduubyada maraakiibta ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in burcad-badeednimadu mar kale noqoto khatar weyn oo ka jirta xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Dhacdadan waxay sidoo kale muujinaysaa in kooxaha burcad-badeedda ay weli awood u leeyihiin inay maraakiib ka afduubtaan xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay u adeegsadaan qaar ka mid ah maraakiibta ay qabsadaan sidii saldhigyo ay ku fuliyaan weerarro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM