Deni oo Ka Digay Qorshe Shisheeye oo Looga Faa’iidaysanayo Burcad-badeedda Soomaaliya
GARACAD, Soomaaliya — Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dalal shisheeye ku eedeeyay inay xaaladda burcad-badeedda Soomaaliya u adeegsanayaan marmarsiiyo ay ciidamo ugu soo daabulaan xeebaha Puntland, isla markaana ay boob u geystaan khayraadka badda.
Isagoo ka hadlayay magaalada Garacad, Deni wuxuu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in la-dagaallanka burcad-badeedda loo adeegsado cudurdaar lagu soo geliyo ciidamo shisheeye xeebaha Puntland.
“Waxaa la rabaa in la yiraahdo Puntland waa difaaci weyday burcad-badeedda, kadibna xeebaha ciidamo la soo dhoobo oo khayraadkeenna gurtaan,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shacabka aysan aqbali karin in dad lagu dilo howlgallo ka dhan ah burcad-badeedda, isagoo ku adkeystay in Puntland ay awood u leedahay inay wax ka qabato burcad-badeedda iyada oo aan loo baahnayn faragelin ciidan oo shisheeye.
Deni ayaa sidoo kale soo xusay howlgallo hore oo ay ciidamo shisheeye ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in xilliyadii ay ciidamada caalamku ka howlgalayeen xeebaha dalka ay dhacday xaalufin lagu sameeyay khayraadka badda Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeedda, balse wuxuu ka digay in arrinta loo adeegsado faragelin shisheeye ama ka faa’iidaysi khayraadka Puntland.
Puntland ayaa horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeysay inay qeyb ka tahay sababaha soo laabashada burcad-badeedda, iyadoo kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ay bilihii u dambeeyay dib u kordhiyeen weerarrada iyo afduubka maraakiibta ka howlgala xeebaha Soomaaliya.
Warbixinno la xiriira xaaladda burcad-badeedda ayaa sheegaya in kooxaha Soomaalida ay haatan haystaan dhowr markab ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin oo afduub ahaan loo haysto, taas oo muujinaysa kororka dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.
Maraakiibta lagu soo warramay inay gacanta ugu jiraan kooxaha burcad-badeedda waxaa ka mid ah Honour 25, Sward, oo la sheegay in loo adeegsado markab in lagu soo afduubo, Eureka Asana, Lutuf iyo Seamull, oo ah booyaddii ugu dambeysay ee la sheegay in la qabsaday 20-ka Agoosto 2026.

GAROWE ONLINE