13 dhalinyaro u tahriibay Yemen oo Bosaso yimi [Dhagayso]

Image

05 September, 2015(GO)-Taliyaha qaybta booliiska gobolka Bari Gaanshaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadlay Radio Garowe ayaa cadeeyay in magalada Bosaso yimaadeen 13 dhalinyaro horay uga tagay Puntland kana baxay gobolada Sanaag iyo Bari.

Dhalinyarada tagitaankooda ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la tilmaamay in loo qaaday kamid noqoshada ururka Daacish iyo ka qayb galinta dagaalka ka socda dalka Yemen, balse dhalinyaradan ayaa sheegay inay ku wajahnaayeen dalka Liibiya si ay u tahriibaan.

Taliyaha ayaa xusay inay jiraan dhalinyaro kale oo ku sugan Yemen oo dhawaan la keeni doono Puntland iyadoo wadahadal u socdo safaaradda Yemen.

Sababta keentay in dhalinyarada loo tahriibiyo dalka Yemen, halka horay u sii mari jireen dhinaca Sudan ayuu ku sheegay in dolwadda Ethopia adkaysay xuduudeeda, taasina ugu wacantahay inay maraan Yemen.

Waalidiin horay ula hadlay warbaahinta 09 September, 2015 ayaa cadeeyay in caruurtooda ka xaysteen xubno xiriir la leh ururo xagjiriin ah oo ka dhaadhiciyay inay u fududaynayaan Tahriibta balse la askareeyay

Dhinaca kale Xukuumadda Puntland ayaa 10 September, 2015 beeniysay in dhalinyaraadi loo qaaday ururka Daacish.

Xubno fududayn jiray Tahriibinta dhalinyarada ayaa Puntland gacanta ku dhigtay 14 September, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM