250 askari oo ka tirsan BIR-POL oo Bosaso soo gaarey

Image
Image

May 11, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa soo gaarey ciidamo ka tirsan booliska birmadka kuwaasoo ka yimid magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ciidankan oo tiradiisu gaareyso 250 askari, waxay saraakiisha laamaha ammaanku sheegeen inuu ka qayb qaadan doono sugidda ammaanka Bosaso oo todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey.

Fariisin kumeel gaar ah oo cidankaasi ka sameysteen duleedka magaalada ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay taliyaha guud ee booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf.

Wuxuuna sheegay in ciidamadan oo soo qaatey tababar socdey muddo lix bilood ah lagu xoojin doono booliskii horey gobolka u joogey qaybna ka qaadaan doonaan sugidda amniga.

Jaqanaf ayaa dadweynaha ugu baaqey inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa xoojinta nabadgelyada iyo qab qabashada dadka amniga khal khalka gelin kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM