​46 maxbuus Shabaab katirsan oo Garowe la keenay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe la keenay 46 kamid ah maxaabiis katirsan ururka Shabaab oo lagu qabtay dagalladii ka dhacay gobolka Mudug, waxaana magalada Garowe soo gaarsiiyay cutubyo katirsan ciidanka dowladda oo si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka Koonfureed ee caasumadda Puntland.

Maamulka degmada Garowe iyo boqolaal dadka deegaanka kamid ah ayaa soo dhaweyntaasi ka qayb qaaday, kuwaasi oo sitay calanka Puntland islamarkaana ruxayay caleemo qoyan.

Soo dhaweyn kadib waxa warbaahinta la hadlay duqa degmada Garowe oo sheegay inay ku faraxsanyihiin guulaha ciidamadu gaareen, wuxuuna tilmaamay inay markasta garab taaganyihiin cutudooda.

Dhinaca kale mid kamid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidamada waday maxaabiista ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay inay markasta diyaar u yihiin qaabkii looga hortagi lahaa koox kasta oo doonaysa inay dhibaato ka abuuraan dhulka nabdoon ee Puntland.

Tiradan maxaabiista ah ayaa ku biiray kuwa kale oo horay loo keenay magalo madaxda Puntland kuwasi oo lagu soo qabtay dagalladii ka dhacay Suuj iyo Garmaal ee Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM