​6 qof lagu dilay qarax ka dhacay Galkacyo

Image

GAROWE- Qarax xoogan oo saaka ka dhacay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sababtay geerida lix ruux oo ku jiro xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolkaas Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare.

Weerarkan, waxaa gaystay naftiis hallige isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday meherad ku taalla xaafadda Xero-daraawiish magalada Galkacyo gaar ahaan nawaaxiga Hotel Uun-laaye halkaasi oo ay ku sugnaayeen mas'uulka dhintay iyo dad shacab ah.

Falkan, waxaa durba sheegatay kooxda Shabaab oo shaacisay inuu bartilmaameedkoodu ahaa mas'uulka dhinta, waxaan afhayeen la hadlay Idaacadda Xarakadaasi oo lagu magacaabo Andulus.

Afhayeenkan oo la yiraahdo Sheekh Cabdcaziiz Abuu Muscab  ayaa xusay in qaraxa ay la heleen saraakiil katirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa.

Maamulka gobolka Mudug aya dhankooda ka hadlay falkaasi lagu waxyeeleeyay dad shacab iyo mas'uuliyiin isugu jira, waxaana gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muse Nuur-yare uu sheegay in qarax uu fuliyay shakhsi kasoo jeeda Koonfurta Somalia.

Wuxuu tilmaamay in weerarka ku dhinteen xisaabihii wasaaradda maaliyadda Puntland, labo kamid ah ilaaladiisa, labo carruur baallashle ah, wuxuuna intaasi raaciyay inay dhawac uu jiro waloow uusan sheegin tirada rasmiga ah.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Puntland soo afmeertay dagaal ay la gashay kooxda Shabaab, kuwaasi oo loo gaystay xasuuq xooggan kadib markii ay isku dayeen inay soo galaan deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM