Aas-aaska ciidanka Boliiska Somaliyeed oo Garowe looga dabaal dagay

Image

20 December, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 72 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay ciidanka Boliiska Somaliyeed.

Xaflad lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland "PDRC", waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Barlamanka, xubno ka socday golayaasha dowladda, Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland iyo saraakiisha ciidamada.

Kulanka, waxaa looga hadlay  marxaladihii kala duwan ee soo maray Boliisku, waxaana taliyaha ciidanka Boliiska Puntland Sareeya Guuto Cabdirasaaq Maxamud Yusuf Afgaduud uu kahadlay hormaradda ay ku tallaabsadeen.

Afgaduud ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidanka Boliiska Somaliyeed, wuxuuna ka hadlay tariikhdooda, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday isbadallada lagu sameeya Booliiska Puntland. Halkan ka dhagayso

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlay dabaal dagga aas-aaska ciidanka ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shaqada Booliiska iyo dal dalooda ka jira, wuxuuna sheegay askarigii shaqadiisa gudan waaya in lagula xisaabtamo, kii ka soo baxana lagu abaalmarin doono.

Dowladda ayuu sheegay inay mas'uul ka tahay dhowrista xuquuqda askariga dalka u adeegaya, wuxuuna sheegay inay doonayaan qaabkii loo damaanad qaadi lahaa qoyska iyo nafsadda ciidanka u heellan difaaca dalka. Halkan ka dhagayso

Waxaa munaasabadda sidoo ka hadlay Gudoomiayaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, wuxuuna cambalyo u diray dhammaan ciidamada sannad guuradoodu maanta ku beegantahay.

Dabaal dag kan lamid ah ayaa la qorsheeayay in lagu qabto magaalooyinka waaweyn ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM