Abaalmarinta Tartanka Gabayada BBC-da oo Garoowe lagu qabanayo

Image

GAROOWE, Puntland- Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa shaacisay inay sannadkii 2aad qaban doonto tartan dhanka Gabayada ah oo loo qaban doono dumarka da’doodu u dhaxayso 16-35.

Abaalmarinta sannadkan ayaa lagu bixin doonaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta BBC-da qaybteeda Soomaaliga.

“Qofka ku guuleysta tartanka iyo labada qof ee kaalmaha xiga soo gala waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Arbacada ah ee ay tariikhu ku beegan tahay 18-ka bisha Luulyo 2018, xaflad lagu qaban doono magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya.” Ayaa lagu daabacay barta Internet-ka ee BBC Somali.

Madaxa BBC-da qaybteeda la hadasha Soomaalida, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu kor loogu qaadayo hanka dumarka gabya islamarkaana lagu siinayo fursad ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah.

''Hal abuurka dumarka Soomaaliyeed - haddii ay ahaan lahayd ciyaaro dhaqameedyada ama isticmaalka luuqada- ayaa ah arrin aad iyo aad loo bogaadiyo. Abaalmarinta BBC-da waxa ay soo bandhigeysaa dhaqanka gabayada ee dumarka ku hadla Afka Soomaaliga meel kasta oo ay joogaan, inaga oo siinayna fursad ay kusoo gudbiyaan kartidooda iyo hibooyinkooda,” Sidaas waxaa yiri Tifatiraha Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sannadkii hore ayay ahayd markii tartanka gunaanadkiisa lagu qabtay magaalada Hargaysa, waana fursad ay ka qaybgalayaan dumarka oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM