Abwaan oo ka hor yimid Maxkamada Sare

Image

GAROWE, Soomaaliya - Maxkamada sare ee dowlada Puntland ayaa maanta soo saartay go'aan ay shaqada uga joojisay, Faadumo Siciid Axmed oo dhawaan ay Ansixiyeen golaha wakiiladu si ay uga mid noqoto guddiga Doorashooyinka Puntland ee aan la isku raacin nooca doorasho ee uu qabanayo iyo wakhtigeeda.

Go'aanka Maxkamada Sare ayaa yimid maalin kadib markii Qareenada u kala doodayay Madasha Siyaasadda Puntland, sideedi Xildhibaan ee Gud Abwaan golaha ka eryay iyo Ururka Horseed ay sheegeen in Maxkamadu ka bayrtay dhabbihii laga filayay.

Xubintaan oo la sheegay inay kasocoto ururka shaqaalaha ayaa si degdeg ah lagu magacaaby laguna daray xubnaha Guddiga lagu muransanyahay ee PEC.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal uu goordhawayd soo saaray ku qaadacay go'aanka Maxkamada Sare.

Abwaan oo ay tahay markii ugu horaysay ee xubin ka noqdo golaha wakiilada Puntland ayaa falanqeeyayaashu tilmaamayaan in uu ka walaacsan yahay in aan mar labaad uusan xilkaasi qaban doonin.

Musharaxiin durba soo baxay!

Dhanka kale waxaa soo baxay xubno ku saami qaybsi ah gud, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kuwaasi oo loolan ugu jira sidii ay usoo heli lahaayeen xubinta beeshiisu ku leedahay golaha wakiilada.

Murashaxiinta ayaa kulamo ka wada degmooyinka gobalka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan, iyaga oo isku dayaya qancinta dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM