Afhayeenka Barlamanka PL oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Cagoole

Image

May 9, 2015 (GO)- Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa cambaareeyay dilkii Gaalkacyo xalay fiidkii loogu gaystay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Cagoole)

Waxa uu sheegay inuu ahaa Marxuumka, mudane ku weyn Baarlamaanka ayna ka xun yihiin dilkiisa, wuxuna tacsi u diray ehelkii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu ka baxay.

Laamaha ammaanka ayuu ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan dilka Xildhibaan Siciid Nuur oo maanta lagu aasay magalada Gaalkacyo.

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa saaka Gaalkacyo u aaday ka qayb galka Aaska qaran ee marxuumka loo sameeyay.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur.

Dilka Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne ku xigeenka Puntland uu ku sugan yahay magalada Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM