Agaasimaha cusbitalka Galkacyo oo ka hadlay shaqaaqo xalay dad ku dhinteen

Image

15 November, 2015(GO)-Agaasimaha cusbitalka Galkacyo Dr: Maxamed Aadan Xuseen ayaa ka hadlay shaqaaqooyin xalay ka dhacay afaafka hore ee cusbitalka oo sababay dhimashada shan ruux halka Afar kale ku dhaawacmeen.

Shaqaaqadan ayuu sheegay agaasimuhu inay u dhacday qaab aan ku talo gal ahayn, balse ahayd ismaan dhaaf dhexmaray ciidamo waardiye ka ahaa dhaawac shalay la keenay cusbitalka.

Tan iyo shalay shaqaaqooyinkii dhacayay waxaa ku dhintay 7 ruux halka 15 kale dhaawacmeen sida Dr: Maxamed Aadan warbaahinta gudaha u sheegay.

Xaaladda guud ee cusbitalka ayaa sidoo kale xakiran waxaana horey ula daalaa dhacay cudurro ka dhashay biyo fariistay magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM