Agaasimaha cusbitalka Galkacyo oo ka hadlay shaqaaqo xalay dad ku dhinteen

Image

15 November, 2015(GO)-Agaasimaha cusbitalka Galkacyo Dr: Maxamed Aadan Xuseen ayaa ka hadlay shaqaaqooyin xalay ka dhacay afaafka hore ee cusbitalka oo sababay dhimashada shan ruux halka Afar kale ku dhaawacmeen.

Shaqaaqadan ayuu sheegay agaasimuhu inay u dhacday qaab aan ku talo gal ahayn, balse ahayd ismaan dhaaf dhexmaray ciidamo waardiye ka ahaa dhaawac shalay la keenay cusbitalka.

Tan iyo shalay shaqaaqooyinkii dhacayay waxaa ku dhintay 7 ruux halka 15 kale dhaawacmeen sida Dr: Maxamed Aadan warbaahinta gudaha u sheegay.

Xaaladda guud ee cusbitalka ayaa sidoo kale xakiran waxaana horey ula daalaa dhacay cudurro ka dhashay biyo fariistay magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM