​Agaasimaha waaxda Socdaalka Puntland oo hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimaha waaxda Socdaalka Puntland Haashim Axmed Cabbaas ayaa ka hadlay isbadal ay ku sameeyeen habkii shaqada kadib markii cabasho xooggan dhawaan warbaahinta mariyeen qaar kamid ah dadka qaata dal ku galka waddamada dariska ah.

Agaasimaha oo waraysi gaar ah siinayay Radio Garowe, ayaa sheegay inay badaleen habkii hore ee loo shaqayn jiray maadaama uu la badalay maamulkii hore isagoo xusay inay iminka u fududeeyaan bulshada oo aysan jirin cid ka marta dhibaato adag sida uu hadalka u dhigay.

Cabbaas ayaa tilmaamay in qofkii soo buuxiya shuruudaha looga baahnaa si fudud loogu dhammeeyo howlahiisa isagoo sheegay in maanta aysan jirin qof waqti badan suga fiisaha.

Safaraadda Ethiopia ee fadhigeedu yahay magaalada Garowe, ayuu sheegay inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo isagoo xusay inay iska kaashadaan u fududaynta shacabka ee arrimaha socdaalka, wuxuuna ku ammaanay sideey ugu kalsoonaadeen inay ka shaqeeyaa deegaanada Puntland.

Hadalka laanta socdaalka Puntland, ayaa kusoo aaday bilo kadib markii warbaahita gudaha baahisay cabashooyin ka yimi shacab ku dhibaatooday qaadashada dalka ku galka Ethiopia kuwaasoo ay sheegeen inay ka hortaaganyihiin arrimo badan oo musuq-maasuq kow ka ahaa.

Arrintaas ayaa keentay in isbadal lagu sameeyo laanta socdaalka Puntland iyadoo la badalay qaabkii hore ee shaqada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM