Akhri: Barlamanka Puntland oo ansaxiyey ajendaha kafadhiga 36aad

Image

3 Nov,2015 (GO)- Kulan albaabadu u xiran yahay oo maalmahaan uga socdey Barlamanka Puntland magaalo madaxda Garowe ayaa waxaa qoraal soo gaarey warsidaha Garowe Online sheegayaa in lagu ansaxiyey qodobada looga hadlayo kalfadhigaan.

Barlamanka Puntland ayaa dib ugu noqdey ajendahiii uu soo gudbiyey gudoomiyihii xilka laga qaadey iyadoo wararku sheegayaan in laga saarey labo qodob oo kala ah; daabacada lacagta iyo dib u eegista xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka ah iyo Puntland.

"Qodobadaan ayaa waxaa ka muuqdo kuwa muhiim ah kuwasoo xoojinaya la xisaabtanka xukuumada, in la dhiso maxakmada Dastuuriga ah iyo qodobo kale." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland.

Ajendaha Barlamanka ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale doorashada gudoomiyaha aqalka wakiilada Puntland iyadoo maanta xildhibaanada doorteen guddiga diyaarin lahaa doorashadaas.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM