Akhriso: Qodobada kafadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland

Image

21 October,2015 (GO)- Warsidaha Garowe online ayaa hordhac ahaan u ogaadey qodobada qabyada ah ee Gudoomiye Siciid Xasan Shire ugu talagaley in lagaga hadlo kalfadhiga 36aad ee xildhibanaada Barlamanka Puntland.

Qoraalkaan oo cinwaanka looga dhigey ajendaha qabyada ah ee kalfadhiga 36aad ayaa waxaa ku sixiixan Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Ajendahaan ayaa waxaan ka muuqan qodobo muhiim ah ee la xisaabtanka xukumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo wayadaan dambe lagu eedynayey iney ka gaabisay balan qaadyadii ay u sameysay shacabka Puntland.

Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa daabacdey lacago Shilin Somali ah oo sharci daro kuwasoo ajandaha Gudoomiyaha Barlamanka u soo gudbiyey aan gabi ahaan ku xusin in laga hadlayo.

Garowe Onnile ayaa daabacey 20 October,2015 warbixin sheegeysa in xildhibanada Barlamanka Puntland mushahar kordhin gaareysa 400USD looga sameeyey lacagaha sharci darada ah ee Shilin Somaliga kuwasoo lagu daabaco magaalada Bosaso. Halkan ka akhriso

Madaxweyne Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa kororsiimadaan mushaharka uu u sameeyey Barlamanka Puntland ayaa warbixintaan sheegeyshaa inuu kaga hortagayo in xildhibanaada mooshin ka keenaan daabicsta lacagta shilin Somaliga ee sharci darada ah.

Barlamanka Puntland oo ku yimid nidaamka hab qaybsiga qabaa'ilka Puntland ayaa lagu eedeeyaa iney danahooda shaqsiga iyo kuwa beelaha ay kasoo jeedaan ka hormariyaan danta guud ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM