​Al-Shabaab oo qabsatay degmada Garacad gobolka Mudug

Image

Mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab ayaa galinkii dambe maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Garacad oo qiyaastii 260KM u jirta xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gobolkaasi Xasan Khaliif.

Kooxdan ayaa ku safraysay doonyo, waxayna si nabadgalyo ah ula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, iyadoo la sheegay inay doonyahan ay wateen kasoo kaxaysteen dad rayid ah galinkii hore maanta.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Khaliif oo Radio Garowe la hadlay, ayaa sheegay in degmada gacanta ku hayaan kooxda Shabaab isagoo meesha ka saaray inay jiraan wax iska hor imaad ah oo dhexmaray maamulka degmada iyo kooxdaas.

Wuxuu tilmamay inaysan jirin cid dhibaato ilaa hadda loo gaystay, isagoo xusay in xaaladdu dagantahay marka laga yimaado gacan ku haynta magaaladaasi.

Xasan ayaa cadeeyay inaysan jirin ilaa hadda wax tallaabo ah oo maamulka gobolka Mudug qaadeen.

Warar madax banaan oo aan helnay ayaa sheegay in ku dhawaad 100 mallayshiyaad hubaysan ay taageen degmada iyagoo la socday ilaa shan dooyood.

Arrintan, ayaa timi xilli horay dagaalyahanno ururkaasi katirsan ku sugnaayeen gobolka Bari gaar ahaan buuralayda Galgala, waxayna kusoo beegmaysaa xilli Koonfurta Somalia loogu gaystay weeraro kala duwan oo Maraykanku ku jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM