Al Shabaab oo sheegatay Qaraxii Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Sarkaal katirsanaa ciidamada booliska Puntland, oo saaka ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa gudaha magaalada Gaalkacyo.

War qoraal ah oo ay soo saartey Al Shabaab ayaa lagu sheegay inay qarax ku dishay Col Cali Ibraahim Cali [Cali Magafe], oo ahaa Taliyaha booliska Puntland ee waaxda Suuqa magaalada Gaalkacyo.

Gaariga Cali Magafe ayaa ku qarxay nawaaxiga Madaxtooyada ee waqooyiga Gaalkacyo, xilli uu kusii jeeday goobtiisa shaqo, jugta qaraxa laga maqlay qeyb kamid ah magaalada, sida ay Goob-joogiyaal u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Ciidamada Puntland ayaa goobta xiray qaraxa kadib, iyagoo sameeyay howlgal aan la ogeyn cida lagu soo qabtay.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin dilka Marxuum Calii Magafe, oo kamid ahaa saraakiisheed booliska. Dilka Cali Magafe waxa uu qeyb ka yahay dilalka iyo falalka argagaxiso ee ka dhacaya magaaalada mudooyinkii dambe.

Suuqa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dhawaan iska hor-imaad khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyay malleeshiyaad kala taabacsan Ganacsato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM