Al-shabaab oo sheegatey mas'uuliyadda qaraxa ka dhacay Garowe

Image

April 20, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Qoraal kasoo baxay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas Al-shabaab fulisey islamarkaana lagu diley toban kamid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey oo isugu jirey Soomaali iyo ajnebi.

Weerarka oo lala beegsadey gaari bas ah oo ay la socdeen qaar kamid ha shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta dhismaha UN-ka ee Garowe.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) ayaa Garowe Online u sheegay in qaraxa qaraxa ay ku dhinteen todoba qof oo afar kamid ahi ajnebi tahay, todoba qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ka dhaca magaalada Garowe, wuxuu sidoo kale shan ka dhigayaa tirada guud ee weerarrada ismiidaaminta ah ee Al-shabaab ka fulisey Puntland laga soo bilaabo sanadkii 2011.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani duullaan kusoo qaadeen saldhigga booliska Baalade ee ku yaalla galbeedka magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM