Al-shabaab oo sheegtay weerarkii guriga Guddoomiyaha Bari

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii habeen hore lagu soo qaadey hoyga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab oo soo xiganeysa sarkaal ururkaas ka tirsan oo aan la magacaabin ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Al-shabaab ayaa ku gooddidey inay sii wadi doonto weerarrada caynkan ah ee ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Weerarkii habeen hore lagu soo qaadey guriga Guddoomiyaha goblka Bari wuxuu ahaa kii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee hore oo sidan oo kale mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab u sheegtay waxaa midkood lagu soo qaadey saldhigga booliska ee Baalade halka mid labaadna lala beegsaday goob fariisin u ahayd ilaalada gaarka ah ee taliye ku-xigeenka booliska Puntland.

Ammaanka magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli dhowaan Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilalka ka xayuubiyey qaar kamid ah saraakiisha ugu sarreysa laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM