Al-shabaab oo soo weerartey ciidamo ku sugnaa deegaanka Yalho

Image

May 4, 2015 (GO)- Ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa caawa weerar gaadmo ah kusoo qaadey saldhig ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin tuulada Yalho oo qiyaastii 50km magaalada Bosaso koonfurta kaga beegan.

Dagaal xooggan ayaa dhex maray kooxaha weerarka soo qaadey iyo ciidamada, waxaana lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare soo kala gaarey labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in weerarka ugu yaraan labo askari ku dhinteen saddex kalena lagu dhaawacey. Askarta dhaawaca ah waxaa loosoo qaadey dhanka magaalada Bosaso.

Tiro askar ah oo qaarkood dhaawac qabaan ayaa la la'yahay ilaa iyo hadda madaama weerarkaan uu dhacey goor habeenimo ah.

Kooxaha weerarka soo qaadey ayaa gubey labo gaari oo nooca dagaalka ah oo ay ciidamdu lahaayeen, waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen guri iyo berked ka dhisnaa goobta fariisinka u ah ciidamada.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Yalho ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay u suurto gashay in muddo kooban ay deegaankaas gacanta ku dhigaan, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Tuulada caawa lasoo weerarey oo ku taalla silsiladda buuraleyda ee Golis waxay masaafo aan badneyn u jirtaa deegaannada Sugurre iyo Galgala, halkaasoo marar badan oo hore ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ugu dagaallameen.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM