Amniga degmada Burtinle oo la adkeeyay

Image

GAROWE- Ammaanka degmada Burtinle gobolka Nugal, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada Boliisku maalmihii ugu dambeeyay samaynayeen howgallo kala duwan kuwaas oo dhacayay habeen iyo maalin.

Arrintan ayaa la sheegay in looga hortagayo weeraro ay gaystaan kooxda Al Shabaab inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Taliyaha Saldhigga Degmada Burtinle Saciid Cabdi Axmed, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo lasoo qabtay mudadii baaritaanku socday, wuxuuna tilmaamay inay u kala soocaan dabiile iyo dambi laawe dib xorriyadiisa loo siiyo.

Wuxuu sheegay in amniga degmadu uu aad u wanaagsanyahay, balse wali socdo howlgallada amniga lagu sugayo.

Dhinaca kale, waxaa sidaasi si lamid ah amnigooda loo adkeeyay magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo xilliyada habeenkii baaritaano kala duwan lagu sameeyo gaadiidka iyo dadka jidadka isticmaalaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM