Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Image

Istanbul – Wararka uu helayo Garowe Online ayaa xaqiijinaya in Maxamed Cabdimajiid Samatar, oo ahaa arday wax ka baranayey mid ka mid ah jaamacadaha dalka Turkiga, la xirey isla markaana saacadihii la soo dhaafay laga soo tarxiiley dalkaas, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Maxamed oo ah wiil uu dhalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland, Jaafaan Samatar, ayaa la sheegay inuu si sharci ah muddooyinkii la soo dhaafay ugu sugnaa Turkiga, halkaas oo uu ka watey waxbarashada heerka labaad ee jaamacadeed (Master’s degree).

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray iyo tan loo soo tarxiiley, balse ay u maleeynayaan in arrintu la xiriiri karto shaqada aabihiis ka hayo Dekedda Boosaaso.

“Lama yaqaan sababta. Waxa kaliya ee loo tarxiiley waxay u badan tahay inuu reer Puntland yahay—ninkaas waa arday, mana laha wax dambi ah,” ayuu yiri mid ka mid ah qoyskiisa oo codsaday in aan magaciisa la xusin.

Ilaa iyo hadda, dowladda Turkiga si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintan, halka dhanka kale aysan si toos ah u baahin sheegashada la xiriirta Markabka Sea World ee dhowaan ay ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha Boosaaso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM