Askari dilay Saddex ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

02 November, 2015(GO)-Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa maanta lagu dilay buuraha Gal-gala, waxaana falkaasi gaystay askari kale oo ciidanka ka tirsan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee askarigani u laayay nimankan ay isku ciidanka ahaayeen, balse waxaa socda baritaan arrintaasi lagu xaqiijinayo.

Ciidanka ayaa toogtay askarigii falkaasi gaystay ka dib markii laga baqay inuu gaysto khasaaro ka badan mid ka dhacay, waxaana maydka afartaasi ruux loo soo qaaday magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Sarkaashiga amniga Puntland ilaa hadda kama aysan hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM