Axmad Barre oo ku guuleystey Duqa degmada Garoowe

Image

GAROWE (GO) - Kadib markii Doorashada Duqa magaalo madaxda Puntland ee Garowe dhacdey maanta ayaa waxaa ku guuleystey Axmad Xasan Barre gudoomiyaha golaha degaanka degmadaas 5 sano ee soo socoto.

Golaha degaanka oo ka kooban 27 xubnood ayaa codbixin qaraoodi ah u sameeyey labada musharax Axmad Abshir “Bakuuke” iyo Axmada Barre iyadoo ay goobta goob joog ahaayeen guddiga Doorashada ee ka socdey Wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Axmada Barre ayaa ku guuleystey cod ah 18 xubnood halka Axmad Abshir uu heley 9 cod.

Axmad Barre oo horey u soo noqdey xubin ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa waxaa uu hadda maamulo ka ahaa shirkada xawilaada Ifttin.

Golihii hore ee degmada ayaa waxa kala direy Madaxweynaha Puntland kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley.

Golayaasha degaanka Puntland ayaa waxaa lagu soo doortaa habka beelaha iyadoo maamulkaan muddo 20 sano ah uu jirey ku guulaysan waayay doorasho Hal qof Hal cod ah.

Madaxweyne Gaas oo horey u balanqaadey in barnaamijkaan dhameystirayo ayaa ku fadhilmey iyadoo maamulka Puntland Doorashada guud ee Madaxweynaha ee la qabanayo sanadka soo socda bilowgiisa nidaamka beelaha ku soo xulaneysa Xildhibanada Barlamanka kuwasoo ka kooban 66 xubnood.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM