Axmad Karaash oo ka hadley dagaalka Taleex [Dhageyso]

Image

GAROWE, 21 April,2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal ku dhexmaray magaalada Taleex labo Beelood oo walaalo ah.

Karaash oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ku baaqey in dagaalkaas si deg deg ah lagu joojiyo.

Dagaalka dhexmarey labada beelood oo walaalaha ah "Samakaab Cali iyo Farax Cali" ayaa wararka ka imaanaya magaalada Taleex sheegayaan iney ku dhinteen tiro dad ah oo gaareysa shan qof halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.

Dhanka kale Karaash ayaa sheegay in odayaal dhaqameed u baxeen degmadaaas balse ilaa iyo hadda aysan jirin mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo degmadaas 

Magaalada Taleex oo ku taal gobolka Sool ayaa waxaan ku sugneyn ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo Somaliland taasoo sababtey ineysan ka jirin laamaha amniga suga gabi ahaanba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM