Axmed Madoobe oo booqday meelaha ciidamada laga qaaday Galkacyo

Image

06 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland oo weheliyaan guddiga loo xilsaaray kala qaadista ciidamada labada maamul, Puntland iyo Galmudug, ayaa tagay goobihii ciidamadu fadhiyeen.

Socdaalka oo Axmed Madoobe ku weheliyeen, wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somalia iyo Arrimaha Gudaha, ayay ku tageen goobihii dagaalku ka dhacay, iyagoo hubiyay in la oofiyay ballantii kala qaadista labada ciidan.

Guddiga hawshaasi loo xilsaaray ayaa sheegay inay la banneeyay dhammaan ciidamada labada dhinacay, marka laga reebo Boliis labada maamul ka kala tirsan.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale tagay goob ay ku sugnaayeen mallayshiyo beeleed dhawaan agagaarka Garoonka diyaaradaha ku dillay labo ruux oo mid dhaawac soo gaaray, waxaana lagu guulaystay iyagana inay goobtaasi faarujiyaan.

Hawshan ayaa timi xilli la waday kala qaadis ciidan iyo hishiis ka taaba galay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dadkii ka barakacay ayaa dib ugu soo laabanaya magalada, waxaana weli xiran goobaha waxbarasho, balse ganacsiga ayaa u socda qaab ka duwan sidii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM