Axmed Madoobe oo Garowe imaanaya

Image

29 November, 2015(GO)-Wararka soo gaaraya Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inuu maanta Garowe imaanayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamed "Madoobe".

Safarka Madoobe, ayaa la xiriira arrinta Galkacyo iyo sidii uu gacan uga gaysan lahaa nabad lagu soo dabaalo dagaallada ka dhacay 22 iyo 28 November kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la saadaalinayaa inuu tago magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo ah goobta dagaalku ka dhacay.

Maaha markii ugu horraysay oo wafdi ka socda Jubbaland, deegaanada Puntland u yimaadaan sidii loo soo afjari lahaa, khilaaf ama colaad taagan, waxaana dhawaan soo gaaray wafdi odoyaal dhaqameed kuwaasi oo ka qayb qaadanaya nabadaynta beelo ood-waadag ah oo ku dagaallamay gobollada Sool iyo Nugal qaybo ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM