Baaq nabadeed oo laga soo saarey dagaal beeleedka Galbeedka Mudug

Image
Ugu yaraan 10 qof ayaa illaa haatan la xaqiijiyay in ay ku nafwaayeen dagaalkan halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku Simaha Madaxwaynaha Dowladda Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Ayaa baaq nabadeed udiray beello ku dagaalamaya galbeedka gobalka Mudug.

Dhanka kale, Galmudug ayaa ku baaqday nabad iyo in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyo beello walaalo ah.

Maamulka QoorQoor ayaa sheegay si loo joojiyo coladaan ay dhankeeda dirtay guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno masuuliyiinta gobolka Mudug, waxana ay dhinacyada ka dalbatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta.

Sidoo kalana waxa ay dhinacyada fartay in la tixgaliyo ciidammada amniga ee ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalada ay ka dhaceen.

Dhanka kale, madaxwaynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa codkiisa ku biiriyay in la joojiyo dagaalkan sokeeye.

"Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba," ayuu raaciyey Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM