Baarlamaanka Minnesota oo soo dhaweeyay Murashax Faarax Cali Shire [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MINNESOTA - Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa si diiran usoo dhaweeyay Murashax Faarax Cali Shire, oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland intii uu joogay dalka Mareykanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa u sara joogsaday soo dhaweynta Musharaxa markii Xildhibaanada Ilhaan Cumar ay ku dhawaaqday inuu la joogo Murashax Faarax Cali Shire.

Inta uusan booqan Xarunta Baarlamaanka waxaa xafiiskeeda ku qaabishay isaga iyo wafdigiisa Ilhaan Cumar, oo ah Gabar Soomaaliyeed oo katirsan Gollaha Sharci dejinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Faarax oo booqasho ku maraya dalal ku yaalla Yurub iyo Waqooyiga Qaaradda Ameerika ayaa waxuu kula kulmay USA qeybah kala duwan ee Jaaliyaddda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.

Murashax Faarax Cali Shire ayaa markii ay ka tagey Mareykanka gaarey wadanka Canada, waxuuna magaalada Toronto kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliya.

Faarax Cali Shire oo soo noqday Wasiirka Maaliyadda dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadda isku soo sharaxay doorashada Madaxtinimo ee Puntland, taasi oo lagu wado inay qabsoonto January 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM