Baarlamaanka PL oo ansixiyey wax ka beddelkii miisaaniyadda

Image

July 8, 2015 (GO)- Baaralmmaanka Puntland ayaa maanta  meel mariyey miisaaniyadda dowladdu ku shaqeyn doonto lixda  bilood ee soo socota, kadib markii wax ka bedel lagu sameeyey miisaaniyaddii dowladda ee horay baarlammaanku u ansixiyey.

Sababta keentay wax ka bedelka lagu sameeyey miisaaniyadda ayaa ah kamid markii la waayey dhaqaalihii laga filayey Bankiga Adduunka oo horay miisaaniyadda loogu daray.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Faarax Nuur ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay war bixin ku saabsan sixitaanka ay ku sameeyeen miisaaniyadda, wuxuuna sheegay in la isku jaan gooyey dakhliga iyo kharashka oo markii hore kharashku badnaa.

Intaas kadib waxaa cod loo qaaday miisaaniyadda cusub, iyadoo fadhigii baarlammaanka ee maanta ay soo xaadireen 48 mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, wuxuuna sheega in 46-mudane ogolaadeen, labo mudane oo keliyana ka aamuseen sidaasina ay ansax ku tahay oo lagu shaqayn karo.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Shiikh Axmed oo fadhigii baarlammanka khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay inay sida ugu haboon ugu shaqeyn doonaan miisaaniyadda dowladda ee lixda bilood ee soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM